Shaqaalaha iyo La-taliyayaasha
Tarlan Ahmadov, Agaasime
Tarlan Ahmadov ayaa ah Agaasimaha ONA, asagoo ku soo biirayay khibradiisa in ka badan labaatan sano uu ka shaqeynaayay adeegga bulshada, hormarinta shaqaalaha, iyo dib u dejinta qaxootiga. Shaqadiisii hore ee Agaasimaha Waaxda Barnaamijyada ee Laanta Adeegyada Shaqada oo ka tirsan Waaxda Shaqaalaha ee Maine, Ahmadov ayaa soo maamulay barnaamijyada gobalka oo dhan ee shaqada iyo tababarka oo loo sameeyay xoojinta shaqsiyaadka iyo adkaynta shaqaalaha Maine oo dhan.
Kahor inta uusan ku biirin Waaxda Shaqaalaha ee Maine, wuxuu kasoo shaqeeyay Iskuduwaha Qaxootiga ee Gobalka asagoo kormeeraayay Xafiiska Adeegyada Qaxootiga ee Maine ee Deeqaha Kaatoolia ee Maine laga bilaabo 2017 ilaa 2022. Doorkaas, wuxuu ku maamulay adeegyada Federaalka ee magangalyo doonka iyo qaxootiga, oo ay ku jiraan shaqada, tababarka xirfadaha, daryeelka caafimaadka, iyo adeegyada bulshada. Ahmadov wuxuu markii hore ku biiray Hay'adaha Katooliga sanadkii 2003 si mutadawacnimo ah, kadibna wuxuu u gudbay jagooyin kala duwan, oo ay ku jiraan maamulaha kiis, agaasimaha barnaamijka, iyo Isuduwaha Qaxootiga Gobolka.
Asagoo asalkiisii hore ka yimid Azerbaijan, Ahmadov ayaa u soo guuray Mareykanka sanadkii 2003. Wuxuu shahaadada Mastarka ee cilmiga taariikhda iyo bulshada ka qaatay Baku State University wuxuuna shaqadiisa koobaad ka bilaabay macalinka taariikhda oo ka ahaa dugsiga dawlada ee Baku. Ahamdov wuxuu sidoo kale shahaadada ugu saraysa waxbarashada ee cilmiga siyaasada ka dhigtaa University of Southern Maine.
Ekhlas Ahmed, Falanqeeyaha Siyaasadda
Isagoo ah Falanqeeyaha Siyaasadda ONA, Ekhlas Ahmed wuxuu la shaqeeyaa Agaasimaha ONA iyo daneeyayaasha gudaha iyo dibaddaba si loo horumariyo is dhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee soo galootiga muddada fog ee shaqaalaha iyo bulshada Gobolka. Waxay taageertaa barnaamijyada iyo hawlaha xafiiska, oo ay ku jiraan cilmi-baarista, falanqaynta siyaasadda, iyo qorsheynta.
Ahmed waxay ku biirtay Xafiiska Ameerikaanka Cusub (ONA) ayadoo leh khibrad toban sano ah oo ah hogaamiye aan faa'iido doon ahayn, macalin, iyo u doodaha qaxootiga. Dhawaanahan, waxay aasaastay urur aan faa'iido doon ahayn oo u heellan inay kor u qaadaan codka qaxoontiga soogalootiga ah iyo magangelyo doonka ee gobolkayaga, iyadoo siisa maalgelinta ardayda dugsiga sare si ay ugu sii wataan waxbarashada sare gudaha Maine. Ahmed waxa ay sidoo kale ka soo shaqeysay macalinka luqadda Ingiriisiga ee dugsiyada dadweynaha iyo Iskuduwaha Cultural Alliance of Maine (Isbahaysiga Dhaqanka ee Maine), halkaas oo ay ugu doodday muujinta fanka oo ay u heshay maalgelin si loo kobciyo muuqaalka dhaqanka Maine.
Qaxooti ahaan, Ahmed waxay ka soo qaxday dagaalka sokeeye ee Suudaan 2005 iyada iyo qoyskeeda, oo ay ku jiraan waalidkeed iyo saddex walaalo ah oo ka yar. Ayadoo dib u degtay Portland, waxay Shahaadada koowaad ee Jaamacadda ee Xiriirka caalamiga ah iyo shahaadada Mastarka ee Waxbarashada ka qaadatay Jaamacadda Southern Maine.
Gudiga Talo Bixinta
Ujeedada Gudiga Talo Bixintu waa inay kala taliyaan Xafiiska Ameerikaanka Cusub ee Maine arimaha saamaynaaya isdhexgalka mudada fog ee dhaqaalaha iyo bulshada ee dadka soo galootiga ah ee Gobalka. Ayagoo ka kooban 24 xubnood oo ay magacaabeen Gudoomiyaha gobalku, Afhayeenka Baarlamaanka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, gudiga waxaa ku jira shaqsiyaad kasoo kala jeeda asallo kaladuwan, ayna ku jiraan hogaamiyaasha bulshooyinka soo galootiga ah, bixiyaha caawimaada sharciga, ururka dib u dejinta qaxootiga, iyo dawlada gobalka iyo deegaanka. Ka ogoow xog dheeraad ah oo ku saabsan Gudiga Tallo Bixinta halkaan.
-
Xubnaha Golaha
-
Governor’s Appointments
- Julia Trujillo Luengo, Co-chair, Maine Community College System
- Claude Rwaganje, Prosperity Maine
- Marwa Hassanien, Northern Light Health and Bangor School Board
- Nawar Alobaidi, Engineers Auto Service
- Rotha Chan, TD Bank
- Juana Rodriguez-Vazquez, Mano en Mano/Hand in Hand
- Olesya Shkut, Bluetriton/Poland Spring
- Kerem Durdag, GWI
- Orlina Boteva, University of Maine
- Jonathan Baty, MaineHealth
- Dana Totman, Prosperity Maine
- Ben Conniff, Luke’s Lobster
Senate President’s Appointments
- Georges Budagu Makoko, Co-chair, Amjambo Africa and Serenity Residential Care
- Mufalo Chitam, Maine Immigrant Rights Coalition
- Heremenegildo Paulo, South Portland School Department
- Barbara Stoddard, New Mainer Resource Center/Portland Adult Education
- Rick Bennett, Senate District 18
- Margaret Rotundo, Senate District 21
House Speaker’s Appointments
- Fatuma Hussein, Immigrant Resource Center of Maine
- Liam LaFountain, City of Biddeford
- Lisa Parisio, ILAP Maine
- Inza Ouattara, Catholic Charities
- Flavia DeBrito, House District 64
- Amy Arata, House District 104
Hoggaamiyeyaasha Ganacsiga
Madasha Hogaamiyayaasha Ganacsiga waa koox ka kooban loo shaqeeyayaasha iyo milkiilayaasha ganacsiga kuwaas oo la wadaaga khibradahooda ONA iyo dhexdoodaba. Laga soo bilaabo soo dhawaynta hibada caalamiga ah, ilaa shaqaaleysiinta iyo qorista Dadka Reer Maine ee wadanka ku cusub, ilaa bilaabista iyo socodsiinta ganacsiyada ay leeyihiin dadka soogalootiga ah, aragtidooda ku wajahan arrimaha dhaqaalaha iyo shaqaalaha waxay xog siiyaan shaqada ONA waxayna kobciyaan xalal iskaashi ku dhisan.
-
Xubnaha Madasha
-
- American Roots
- Maine State Chamber of Commerce
- Portland Chamber of Commerce
- Lewiston-Auburn Chamber of Commerce
- Luke’s Lobster
- Coffee Me Up
- Coffee By Design
- Irving Woodlands LLC
- Charter Communications
- MaineHealth
- Associated General Contractors of Maine
- Northern Light Health
-
Jadwalka
-
Hoos waxaa ku qoran yoolalka aasaasiga ah ee abuurista xafiiska ONA ee Maine:
Agoosto 2023: Gudoomiye Janet Mills ayaa saxiixay Amar Fulineed oo ku amraaya Xafiiska Gudoomiyaha ee Hal Abuurka Xeerka iyo Mustaqbalka (GOPIF) inuu abuuro qorshe lagu aasaasaayo Xafiiska Ameerikaanka Cusub ee Maine.
Agoosto 2023 - Janaayo 2024: GOPIF ayaa abuuray qorshe asagoo kaashanaaya fikradaha laga uruuriyay 800 oo saamileey ah, ayna ku jiraan wakaaladaha gobalka, maamullada magaalooyinka, dugsiyada, xarumaha tacliinta sare, shirkadaha loo shaqeeyo, ururada bulshada, iyo xubnaha bulshooyinka soo galootiga, qaxootiga, iyo magangalyo doonka.
Janaayo 2024: GOPIF ayaa u geeyay qorshaha ONA Gudoomiye Mills.
- Shaacinta Qorshaha ONA
- Qorshaha ONA: Ingiriis (PDF)
- Khulaasada Fulinta Qorshaha ONA: Faransiis (PDF), Isbaanish (PDF), Burtaqiis (PDF), Carabi (PDF), Soomaali (PDF), Lingala (PDF)
- Abriil 2024: Gudoomiye Mills ayaa sharci ahaan u saxiixay soo jeedinta miisaaniyada kabista ah oo ay ansixiyeen Baarlamaanku, kaasoo fasaxaaya abuurista xafiiska ONA iyo maal gelinta labo boos oo shaqaale ah. (Ka eeg qoraalka buuxa ee xeerka halkaan).
- Agoosto 2024: Xafiiska ONA ee Maine ayaa si rasmi ah loogu dhaqan gashay sharciga gobalka.
- Diseembar 2024: Gudoomiye Mills ayaa ku dhawaaqay Agaasimaha Xafiiska ONA ee Maine.
- Janaayo 2025: Xafiiska ONA ee Maine ayaa la furay